BAARLAMANKA SOOMAALIYA OO MAANTA KA DOODAYA MOOSHIN KU SAABSAN DOORASHOOYINKA DALKA

18

Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta dood ka yeelanaya mooshin ku saabsan doorashooyinka madaxtinimada dalka.

Farriin kooban oo xalay loo diray xildhibaannada Baarlamanka, ayaa lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan kulanka Isniinta oo ku saabsan ka doodista mooshin la xiriira Arrimaha doorashooyinka Qaranka.