Bajaajleyda Magaalada Qardho Oo Bannaanbax Sameeyay

69

Magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa waxaa Saaka ka dhacay Bannaan-bax ballaaran oo ay dhigayaan Bajaajleyda ku nool magaaladaasi, waxaana ay ka cabanayaan Lacagaha Shilin Soomaaliga oo laga diiday magaalada.

Waddooyinka iyo Suuqyada waa weyn ee magaalada Qardho ayay xirteen Wadayaasha kaxeeya Mootada loo yaqaanno Bajaajta, waxaana la arkayay Waddooyinka oo isku cakirmay iyo Wadayaasha mootooyinka oo ka cabanaya diidmada la diiday lacagaha Shilinka Soomaaliga.