Banaanbax Ka Dhan Ah Madaxweynaha Faransiiska Oo Ka Dhacay K/Galbeed

48

Dibad bax ballaaran oo lagu diidanyahay gafkii Diinta uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo taageeradii uu u muujiyay Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH ayaa ka dhacay degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Shacab aad u  farabadan oo isugu jiray dhalinyaro, Haween iyo Culimo ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee degmada Waajid, waxaana banaanbaxooda ay kaga soo horjeedeen Macron oo u gafay diinta, iyagoona aad uga xumaaday hadalkii kasoo yeeray Madaxweynahaasi.

Qaar kamid ah dadkii ka qeyb galay banaanbaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay u taagan yihiin difaacada Rasuulka, isla markaana aysan marnaba ogoleyn in wax laga sheego Rasuulka SCW , ayna aad u jecel yihiin Nebiga.

Sidoo kale Culimada ka hadlay banaanbaxa ayaa naclad ku riday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, iyagoona ku tilmaamay Macron sheydaan weyn, iyagoona banaanbaxayaasha ku dhawaaqayay Allahu Akbar Allahu Akbar.

Dunida muslimka iyo dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo u gafay Diinta iyo Nebi Muxamed NNKH.