Saturday, July 24, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo oo ka socda Magaalada Muqdisho

Banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo oo ka socda Magaalada Muqdisho

33

Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu haatan ka socdaa Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Dadweyne farabadan oo isugu jira dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu baxay bartamaha Isgoyska Fagax, iyagoona ka careysan muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo u sameeyeen Golaha Shacabka.

Qaar kamid ah dadka dhigaya banaanbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Farmaajo oo ay kamid yihiin (doonimeyno Farmaajo, hadhaco iyo erayo), waxaana hareeraha laamiga ay ku gubayaan taayaro waaweyn, sida lagu arkay Muuqaalo laga duubay.