Banaanbax looga soo Horjeedo Dhagxaanta lagu jaray Wadooyinka Hor leh.

49

Shacab careysan ayaa Maanta oo khamiis banaanbax ka dhigay Xaafado ku hareereysan Wadada Warshadaha ee degmooyinka Hurwaa & Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dadkaan Banaanbaxa dhigay ayaa u badnaa Gaadiidleey, waxaana ay ka cabanayaan dhagxaanta lagu jaray wadada warshadaha, iyo lacago ay sheegeen inay Ciidamada Dowlada ay ka qaadayaan Gaadiidka mara wadaadis waxana ay dalbanaya in wax laga qabto cabashadooda.

Banaanbaxayaasha ayaa sheegay in ka sokow dhagxaanta wadooyinka qaar lagu jaray ay ka cabanayaan in Ciidamada dowladda ay Gaadiidleyda ku amrayaan inay bixiyaan lacag si ay wadada ku maraan.

Sidoo kale Waxaa ay sheegayn in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay koontorool Cusub soo dhigteen Isgyska Ex-koontorool Balcad, isla markaana Gaadiidleyda ay ka doonayaan lacag dhan $2 Dollar gaarigii aan bixina uusan u soo gudbeynin dhinaca kale  ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Cabashadaan ayaa ku soo aadeyso xili madaxda dowlada ay Sheegeyn in la furay wadooyinka magaalada Muqdisho.