Banaanbax Xoogan Oo Ka Socda Magaalada Jowhar

75

Waxaa Goordhow Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ka bilowday Banaanbax lagu taageerayo Go’aankii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixay 13-ka ee Gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka Sare.

Dadweyne badan oo isugu jira shacab iyo Mas’uuliyiin ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada Jowhar, iyagoona ahaa kwuo aad u taageerayay Go’aanka lagu saxiixay 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir.