Banaanbaxyo la Qorsheeyay oo la filayo iney ka dhacan maanta Gobolka Hiiran.

35

Maanta oo Arbaco ah ayaa  la filayaa in banaanbaxyo waaweyn ay ka dhacaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan, kaas oo looga soo horjeedo arrimaha doorashooyinka  maamul dhisida Hir-Shabeelle.

Deegaanada  ay banaanbaxyada ka dhacayaan ayaa waxaa kamid ah Magaalooyinka, Beledweyne, Buulo-burde, Jalalaqsi, Maxaas, Feer Feer Iyo Matabaan oo ka tirsan dhamaantood Gobolka Hiiraan.

banaanbaxan ayaa la sheegay in uu yahay mid nabadeed, isla markaana looga soo horjeedo dhismaha cusub ee maamul Goboleedka Hirshabelle.

Dadka ku nool gobolka Hiiraan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay muujinayeen walaac ay ka qabaan isbedel lagu sameeyay hanaankii awood qeybsiga Hir-Shabeelle lagu dhisay, xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Afartii sano ee la soo dhaafay ay soo qabteen Madaxweynayaal kaso jeeda gobolka Hiiraan loo soo wareejinayo dhanka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Beledweyne gaaraan Siyaasiyiin Odayaal Ganacsato iyo waxgarad ka tagaya Magaalada Muqdisho kuwaasi oo la sheegay in ay  ka Shaqeyn doonaan dhismaha Maamul la Magac baxay Hiiraan State.

Shalay ayaa waxa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay isgu yimaadeyn mid ka mid ah beelah dega Gobolka Hiiran kulankaasi oo ay uga soo horjeedeyn dhismaha Maamulka Hirshabelle iyo sida hadda wax uga socdaan Jowhar .