Barakacayaasha SH/Hoose oo xaaladooda caafimaad ay soo hagaageyso kadib markii Maamulka uu gacan ka geestay

58

Barakacayaasha ku nool Gobolka Shabeellada Hoose ayaa  xaaladooda caafimaad ay soo hagaageyso kadib markii Maamulka uu gacan ka geestay

Waxaa soo hagaageyso isla markana soo wanaagsanaaneyso  xaalada  caafimaad darro oo soo wajahday dad ka barakacay magaalada Afgooye iyo deegaanno kale kuwaasi oo horey uga barakacay fatahaadihii dhawaan ku dhuftay Gobolka.

Dadkan ayaa deegaansaday inta u dhaxeysa deegaanka Warmaxan iyo degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose iyadoo dhowr mar uu maamulka uu gacan bani’aadanimo u fidiyay si dadkaasi loo gacan qaban lahaa .

Waxaa lagu soo warramayaa in dadkaasi hadda ay soo yara hagaageyso  xaaladooda  caafimaad kadib markii  ay gacan  daryeel ah u fidiyay Maamulka oo hadda ka war qaba sida ay xaaladooda ay tahay .

Dadkan ayaa guryahoodii uga barakacay saameyn ba’an oo uu webiga Shabeelle ka gaystay magaalada Afgooye iyo deegaanno kale oo hoostaga, waxaana jira  gargaarka ay maamulka gobolka iyo kan degmada ay ka helaan.

Xaalada dadkaan ayaa waxaa inta badan ka warqaba maamulka gobolka oo kaashana dowlad goboledka koonfur galbed iyo dowlada dhexe ee soomaaliya