Beeraleyda Sh.Dhexe oo ay soo wajahday dhibaato hor leh.

23

Degaano iyo degmooyin  ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe Ayax farabadan,ayaa baabi’iyay dalagyo farabadan oo tacbanaa.

Goobaha ugu daran ee Ayaxa lagu arkay ayaa waxaa kamid ah Degmooyinka Ceelbaraf, Aadan-Yabaal iyo Mahadaay iyo degaano hoostaga, waxaana Ayaxa ka cawday beeralayda iyo xoolo dhaqatada ku nool gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka la helayo ayaa Waxaa ay sheegayan in Ayaxa uu Shabeellaha Dhexe uga yimid degaano kale, Kadibna uu degay beeraha.

waxaa soo baxayo baaqayada loo jeedinaayo Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle inay waxka qabtaan Ayaxaan.