Beesha Caalamka oo axmed Madoobe kala hadashay caqabadaha kahaysta Doorashada

23

Madaxweynaha dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya ka dhaceysa oo weli aan lagu heshiis, ayna caqabad weyn ka taagan tahay.