Beesha Caalamka oo Madaxda Soomaalida ugu baaqday inay heshiiyaan kahor Bisha Ramadaan

10

Beesha Caalamka ayaa Caawa baaq cusub u dirtay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo laba maalin shir uga socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa marka hore lagu boggaadiyay Shirka Madaxda u furmay ee hordhaca u ah Shirka guud ee Madaxda ee maalmaha soo socda dhici doona, kaasi oo looga hadli doona khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Beesha ayaa rajo wanaagsan ka muujisay Shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, iyadoo dhinacyada ugu baaqday inay tanaasul iyo heshiis ka gaaraan doorashada, maadaama ay fooda nagu soo heyso Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

“Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka” ayuu lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa sheegtay in shirka soo socda ee Madaxda uu horseed u noqon doono xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember, isla markaana Madaxda ay sameeyn doonaan tanaasul fadliga bisha Ramadaan

“Waxaan ku boorineynaa madaxda DFS iyo DXDF inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo,waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta  iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto” ayaa sii raacsiiyay Qoraalka lasoo saaray

Wakiilada Beesh Caalamka ee Soomaaliya ayaa kala ah: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.