Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Shirkii Lagu Kala Tegay Ee Dhuusamareeb

27

Beesha Caalamka ayaa War kasoo saartay Shirkii Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee Magaalada Dhuusamareeb, kaasi natiijo la’aan kusoo dhammaaday.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in Shirkii Madaxda horumar laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, hayeeshee aan heshiis buuxa looga gaarin qodobadii khilaafka uu ka taagnaa, si loo qabto doorashada la isla ogol yahay.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay aaminsantahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah, iyagoona soo dhaweeyay dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqday inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan