Bilaal Bulshaawi oo Lagu soo Dhaweyey Muqdisho kadib Muddo uu ku xernaa Hargeysa .

34

Bilaal Bulshaawi oo ah wiil dhallinyaro ah oo caan ka ah Barta Tik Tok-ga kaas oo in muddo ah ku xirnaa magaaladda Hargeysa sababo la xariira in uu cabay Shaax uu ku sawiran yahay midabka Calanka Soomaaliya ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaarada  Adan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

Bilaal Bulshaawi ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho kaidb markii uu ka soo baxay Xabsiga .

Maxkamadda magaaladda Hargeysa ee Somaliland  oo marar badan dib u dhigtay Kiiska lagu heystay Bilaal Bulshaawi ayaa markii danbe go’aamisay in muddo 24saac ah gudahood si deg deg ah looga saaro deegaanada Somaliland.

Muddo labo bil kudhawaad ayuu Bilaal bulshaawi  ku xirnaa hargeysa