Banaanbax ballaaran oo ka socda Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan

38

Dibad baxaan  ballaaran oo ay dhigayaan Shacabka magaalada Beledweyn  ayaa la sheegay inay kasoo horjeedaan qaabka loo wajahayo dhisida iyo arrimaha doorashooyinka Hir-Shabeelle.

Bannaanbaxayaasha ayaa waxaa ay socod ku marayaan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Beleweyne, iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ay uga soo horjeedaan sida lagu wado arrimaha doorashooyinka.

Dadkaan banaanbaxa  ayaa ugu baaqeen Madaxda Sare ee dowladda Federaalka & Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle in si waangsan loo dardargeliyo Arrimaha doorashooyinka Hir-Shabeelle maadaama mudada xilheynta Madaxda Hir-Shabeelle ay dhamaatay.

Beelaha dega hirshabeele ayaa isku heysta jagada uga sareeysa maamulka, iyada oo haatan u muuqanayso mid kasii dareysa.

Banaanbaxan ayaa waxa lagu dalbanayaa in xal laga gaaro nidaamka doorasho ee maamulka Hirshabelle

Si meesha looga saaro qilaafka siyaasadeed ee xiligaan ka dhex jira mas’uuliyiinta sare sare ee dowlad Goboledka Hirshabelle .