Booliiska Oo Xalay Baaritaano Ka Sameeyay Muqdisho

25

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Howlgalo lagu xoojinayo amniga, laguna dardargelinayo howlaha sugidda Amniga Caasimada aayaa waxaa ay ka sameeyeen meelo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Howlgallada ayaa Ciidamada waxaa uu ahaa mid ay ku baarayeen Gaadiidka yar yar ee isticmaala wadooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama, iyaga oo mid mid baaritaano ugu sameynayay.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgaladaan oo Ciidanka Boliisku sameynayaan uu yahay sidii loo adkeyn lahaa amniga iyo xasiloonida Caasimada. Isla markaana looga hortagilahaa fursado amnidaro oo ay maleegaan Al-Shabaab iyo cid walba oo sababi karta fal amniga lid ku ah.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen Shacabka ku nool Magaalada Caasimadda ah ee uqdisho inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga si loo helo iskaashi buuxa & Nabad waarta.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay weeraro iyo dilal qorsheysan,waxaana dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay kamid ahaa, dagaalkii ka dhex-dhacay Xabsig