Booliska Kenya oo toogasho ka geystay duleedka Nairobi

35

Ciidamada Dambi baareyaasha ee Booliska Kenya ayaa waxaa ay toogasho ku dileen Nin la sheegay in uu kamid ahaa Koox Burcad ah oo dhibato ku haaya dadka ku nool xaafadaha bariga Magaalada Nairobi.

Ninka oo Magaciisa lagu sheegay Cabaas ayaa waxaa arkay Ciidamada Dambi baareyaasha ee Booliska Kenya xilli uu saarnaa Mooto, isla markaana uu marayay Aaga wadada Kangundo, hayeeshee is rasaaseyn dhex-martay isaga iyo booliska la toogtay.