Booliska Koonfur Afrika oo xiray Hoggaamiyaha Burcadda disha ganacsatada Soomaalida

43

Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa howlgal saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen meelo kamid ah dalkaas ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen hoggaamiyaha Burcadda disha dadka Ganacatada ah.

Ninkan ayaa waxaa Ciidamada ka qabteen oo uu ka howlgalayay deegaanka Motherwell oo katiran magaala Port Elezapeth, waxaana la sheegay in Ciidamada ay muddo baadi goobayeen.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool magaala Port Elezapeth ayaa waxaa ay sheegeen in Ninkaan uu Caan ka yahay Magaalada, isla markaana uu Madax u ahaa Burcadda dadka dhacda mararka qaarna Soomaalida disha.

Saraakiisha Booliska magaala Port Elezapeth ayaa dhankooda waxaa ay warbaahinta u sheegeen inay baaritaan ku hayaan Ninkaan, si loo helo kooxo kale oo kamid ah kuwa Ganacsatada dhibaatooyinka kala duwan u geysta.

Qabashada hoggaamiyaha burcadda Koonfur Afrika ayaa kusoo aadeysa xili xalay iyo shalay subax kaliya dilay Saddex Muwaadiniin Soomaali ah mid kalana lagu dhaawacay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida, waxaana ka dhaca dilal loo geysto dhainyarada ku Ganacsada magaalooyinka kala duwan ee dalkaas, dhaawac iyo in la boobo hantidooda.