Britain Oo Faahfaahin Ka Bixisay Mashruuc Ay Ka Wado Gobollada Koonfurta Soomaaliya

67

Wasiirka Difaaca Dowladda Britain ayaa faahfaahin ka bixiyay howlaha ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo tababarada ciidamada Dowladda ku sugan gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay doorka dowladda UK ee ku aadan tababarada ciidamada ayuu sheegay in dufcadii u dambeysay oo dhameystay tababar ciidan uga socdo  magaalada Baydhaba, kuwaasi oo tiradoodu gaareyso ilaa 500-askari.