Cabdi Xaashi oo magacaabay Guddiyada Doorashada ee kuraasta Somaliland

17

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay xubnaha Guddiyada doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee (Somaliland).

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi ayuu ku magacaabay labada Guddi ee doorashooyinka iyo kuwa xalinta khilaafaadka ee Kuraasta Somaliland, kuwaasi oo ka kooban 6-xubnood oo loo qoondeeyay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu shaaciyay in Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu xubnihii laga sugayay u soo gudbiyay Xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa isna laga sugayaa inuu soo magacaabo 6-xubnood oo kamid ah noqonaya Guddiyada doorashooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee (Somaliland).

Hoos ka Akhriso Magcyada Guddiga uu magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi.