Cabdi Xaashi oo sheegay in aysan qeyb ka aheyn heshiiskii baydhabo

373

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha soomaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo

Cabdi Xaashi ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeyay sharci ku tumasho, waxaana uu tilmaamay in Dastuurka dalka uusan ku dhaqmin, isagoo sheegay in waxyaabaha ay isku khilaafeen ay ugu weyn tahay Dastuurka dalka.

Waxaa uu sheeegay in Madaxweynuhu uu horay u saxiixay guddiyo aan sharci aahyn, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in shirarka la qabanayo in aysan aahyn kuwo Soomaaliya xal loogu raadinayo, isagoo sheegay in aan loo dhammeeny.