Cabdiraxmaan Mucaawiye oo loo Magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska R/Wasaaraha

31

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo saaray wareegto si ku meel gaar ah xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu magacaabayo Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim.

Wareegtadaan oo ka soo baxday xafiiska sii hayaha R/Wasaaraha XFS ,waxaa loo rajeeyay in uu si hufnaan ah uu u guto howsha loo idmaday.