Cabdiraxman Cabdi Shakuur Warsame oo markale ka Cabanayo DF Soomaaliya.

35

Siyaasiga mucaaradka ah ee inta badan dhaliila siyaasadaha Dowlada federalka Soomaaliya ayaa Waxaa uu canbaareynayaa gabood falka ay ciidanka ilaalada Madaxtooyada ku fujiyeen boor ku dheganaa ka soo horjeedka xarunta Baarlamaanka, oo lagu soo bandhigay sawir muujinaya musharraxnimada xilka madaxweynimo ee sanadka 2021- ka

Ciidanka ayaa shirkaddii boorarka laheyd u sheegay in uu amar kaga yimid madaxtooyada ay ku fujiyeen madaaama aan xiligaan loo bahneyn .

Cabdiraxaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa bartiisa Facbook ku qoraya hadalkaan Naguma cusba dulqaad la’aanta musharrax madaxweyne Maxamed Farmaajo, waxayse tani tijaabo ku tahay Raysalwasaare Rooble oo ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta loolan ay u simanyihiin musharraxiinta xilka u tartamaya ee u Madaxweyne Farmaajo ka mid yahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Haddii uu musharrax Farmaajo xammili karin sawir xayeysiin ah, sidee buu tartan doorasho ugu adkaysan karayaa. Tani waxay cashar horu dhac ah u tahay waxa uu musharrax Farmaajo maagganyahay.

Ugu dambeyntii Siyaasi Cabdiraxman Cabdi Shakuur Warsame ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa , musharraxiinta kale, saxaafadda, bulshada rayidka iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay ka jawaaban falkan oo ay si isku mid uga dhiidhiyaan. Waxaa uu  dalbaday in si deg deg ah boorka halkiisii lagu soo celiyo.