Cali Guudlaawe iyo Ugaas Xasan oo Muqdisho ku yeeshay Kulan lagu kala tagay .

50

Kulan u dhaxeeyo  Ugaas Xasan Ugaas Khilaaf, oo ah Ugaaska beesha Xawaadle iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa ka dhacay Magaalada Muqdihso Habeenkii Xalay  kulankaas oo ku saabsanaa arrimaha Maamul dhisidda HirShabeelle.

Kulankaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu dalbaday Cali Guudlaawe islamarkaana gurigiisa loogu tagay Ugaas Xasan Ugaas Khilaaf waxaana la sheegay inuu natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa Ugaas Xasan kala hadlay tabashada shacabka reer Hiiraan ee arrimaha doorashooyinka iyo in la joojiyo banaan-baxyadii dhowaan ka dhacay Beladweyne hase yeeshee waxaa diiday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in la diyaariyay Xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle ka soo geli doono gobalka Hiiraan, sidoo kalane la diyaariyay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle oo isagana ka imaan doono Beesha Xawaadle, waxayna dhamaantood hadda wada joogaan Muqdisho.

Qorshahaan ayaa waxaa Ka horyimid Bulshada Iyo Qaar ka mid ah Siyaasinat ka soo Jeeda Gobolka Hiiraan  waxana Soo Baxayay Qeylo dhaanta ka soo Yeereyso reer Hiiraan oo aan ku qanacsaneyn nin Madaxweyne KU xigeen  ay qaataan Iyagoo Xiligaan ah Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle .