Canada: Goob waxbarasho oo lagu magac-daray wariye Hodan Naaleeye

29

Maamulka iskuul ku yaala degmada York oo ka tirsan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa isku raacay in xaruuntaasi waxbarasho loogu magic daro Allaha u naxariistee weriye Hodan Naaleeye oo sanadkii 2019 ku geeriyootay weerar qarax ahaa oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose.

Guddiga gacanta ku haya iskuulka oo markii hore la oran jiray Vaughan ayaa xalay u codeeyay in loo badalo dugsiga sare ee Hodan Naaleeye.

Warbaahinta CBC ee Canada ka shaqaysa ayaa baahisay maanta dhammaan gudiga maamula iskuulkaas ay meel mariyeen in Allaha u naxariistee Hodan Naale iskuulkaas loogu magac darro.

Bulshadda madowga ah ee Canada ayaa sanadkii hore soo jeediyay in Hodan Naaleeye oo ahayd gabar weriye lagu samiyo iskuulkaas oo ku yaala xaafadda ay deganayd si aan loo iloobin.

Shernett Martin oo ah agaasimaha guud ee hay’adda iskuulkaan maamusha ayaa go’aanka guddiga ku tilmaantay tilaabo wanaagsan oo lagu xasuusan doono wanaagii iyo dadaalkii Hodan Naaleeye.

Sidoo kale mas’uul ka tirsan guddiga go’aan qaatan oo la yiraahdo Bob Mcroberts ayaa yiri “ Waxay aaminsaneyd Hodan in aqoontu tahay aas aaska dhisa nolosha bini’adaamka sidaas ayaana go’aankaan u qaadanay”.

Magaca iskuulkaan hadda laga badalay ee Vaughan waxaa uu ka timid nin la oran Benjamin Vaughan dadka dadka madow ee Canada adoonsan jiray qarnigii 18,aad.