Caro Ka Dhalatay Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Mareykanka

70

Qaar ka mid ah shacabka Magaalada Minneapolis oo careysan ayaa isugu soo baxay goobta uu ka dhacay dil toogasho ah oo ay booliska magaaladaas u geysteen wiil Soomaali-Mareykan ah.

Doolaal B. Ciid, oo ahaa 28 jir ayaa Arbacadii ku dhintay rasaas ay booliska ku fureen isagoo ku dhex jira gaarigiisa, kaddib markii lagu joojiyay meel u dhow kaalin shidaal iyo meherad gawaarida lagu dhaqo.