CC Shakuur oo Farmaajo u jeediyey talo la xiriirta Ra’iisul wasaaraha cusub

38

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay marxaladda kala guurka ee uu dalka ku jiro iyo magacaabida R/wasaare cusub.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkan ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inuu jabiyey soo jireen Dastuuri ahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu u soo jeediyey Madaxweynaha inuu magacaabo Ra’iisul wasaare dalka ka bixin kara xaaladda adag ee uu hadda ku jiro.

Halkan hoose ka akhriso:

Dastuurka qodobbadiisa kuwana waa qoran yihiin, kuwa waa curfi iyo soo jireen. Tusaale ahaan, awood qaybsiga 4.5 ma aha qodob dastuuri ah oo qoran. Madaxweyne Farmaajo in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireenkii dastuuriga ahaa, waxey xoojineysaa dhaqankiisii dastuur ku tumashada ahaa. Waxey kaloo tilmaam ka bixineysaa ninkii 30 beri ixtiraami waayey, in aan laga sugaynin in uu aqbalo in 4-tii sano ka dhammaatay. Ninka aan dastuur ixtiraamaynin maxaa lagu aaminayaa in uu dhowro? Madaxweyne dastuurka ilaali oo magacow raysalwasaare dalka ka bixiya xilliga kala guurka.