Ciidamaa amaanka Kismaayo oo Howlgalo ka dawada Magaalada

39

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa  Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose kuwaasi oo tilmaamaya in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii Magaalada Kismaayo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen falal lidi ku ah Ammaanka, islamarkaana xalay bambo gacmeed lagu weeraray guriga gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland.

Howlgalada Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaaalada   Kismaayo iyadoo Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana

Saraakiisah amaanka Kismaayo  ma aysan sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, howlgaladan.