Ciidamada Amaanka DFS oo Xalay qaaday qaar ka mid ah dhagaxaantii taalay wadooyinka Muqdisho.

33

Ciidamada Amaanka Dowlada Federalka  Soomaaliya ayaa waxaa xalay ka qaadayn  dhagaxaanta ay horey dowladdu ay u dhigtay bartamaha Wadooyinka Caasimada  ee Muqdisho oo muddo sanado ah ay dhibaato ku qabeen shacabka iyo darawalada Gawaarida kaxeeyo .

Goobaha iyo  isgoysyadda  dhagaxaanta laga qaaday waxaa ka  mid ah isgooyska  Tarbuunka , Sh Cali Suufi Sanca Siinay, Seybiyano ,iyo mello kale .

Shaqaalaha iyp Gawaarida dhagaxanta qaadda ee maamulka Gobolka Banaadir  ayaa lagu arkaayay xalay iyaga oo ka daabulaya wadooyinka muhiimka ee Muqdisho oo intii Madaxweyne Farmaajo xilka hayay ay dhagaxaan buux dhaafiyeen kuwaasi oo la sheegay in looga  hortagayay qaraxyadda ka dhaca Muqdisho

Mas’uuliyiinta Dowladda kama hadlin wali wadooyinka la furay xalay laakin warar qaar ayaa sheegay in la xiray wadooyin kale oo la sheegay in xaaladdu amni loo xiray  awgeed.

Bulshada isticmaasha wadooyinkaasi  iyo Darawalada  gaadiidka ayaa ku qabay dhibaatooyin xoogan,iyadoona mar kala duwan Xukumadda ka codasaday in ay jidadka u furto, laakiin ay iska diiday.

Furitsa Wadooyinkaa ayaa waxa ay Fursad  u tahay shacab badan oo horey dhibaato  ku qabay .