Ciidamada AMISOM & kuwa dowladda oo shaaciyay howlgal laga fulinayo Labadda Shabelle

36

Taliska Howlgalka  Ciidamada Midowga Afrika ee (AMISOM) iyo sarakiisha  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa tilmaamay  in ay ka go’an tahay kor u qaadista isku dubaridka howlgalada milatari ee wadajirka ah si looga hortago falalka ay geystaan Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada AMISOM  Diomede Ndegeya, taliya Ciidamada Dhulka ee xoogga Cabas Amin Cali, iyo saraakiil laba dhinac ah ayaa isku raacay muhiimad ahaan in la dhiso unug isku duwa howlgalada looga horjeedo Shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallada ugu badan waxaa ay ka fuliyaan degaano ka tirsan gobolada Shabeellooyinka iyo Hiiraan, iyaga oo dagaal la gala AlShabaab.

Labadda Gobol ee Shabeelooyinka ayaa waxa deegaano ay kaga sugan yihiin Al-shabab waxana hadda soconayo Dagaal ka dhan ah oo dib looga xureynayo deeganada fara ku tiriska ah ay kaga sugan yihiin Al-shabab