Ciidamada AMISOM oo dil iyo dhaawac ka geystay gobolka Sh/Hoose

56

Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo warramayaa in maanta dad shacab ah ay dil iyo dhaawac ugu gaysteen gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu yaraan hal ruux oo shacab ahaa ayey dileen ciidamada AMISOM, halka mid kalena ay dhaawaceen, kadib markii ay rasaas ku fureen.

Wararka ayaa sheegaya in falkaasi uu dhacay, ka gadaal markii uu qarax haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen, xilli ay marayeen deegaanka Mareeray ee gobolkaasi.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha soo gaaray dhinaca AMISOM, balse qaraxyada noocan oo kale ah ayaa inta badan waxaa geysta maleeshiyada Al-Shabaab.