Ciidamada ammaanka oo how-gallo ballaaran ka sameeyey degmada Heliwaa

33

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo qorsheysan oo xalay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliiska ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Howl-gallada oo ahaa kua qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, iyaga oo ka sameeyey baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale ciidamada ayaa xiray jidadka muhiimka ah inta uu socday howl-galka, waxaana la sheegay inay ku soo qab-qabteen tiro dhalinyaro ah oo la tuhmayo.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyadaasi.

Ciidamada dowladda ayaa xoojiyey amniga Muqdisho, wixii ka dambeeyey weerarkii cuslaa ee lagu qaaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho