Ciidamada Booliska Baledweyne oo gubay Khamri badan+SAWIRO

55

Ciidamada Amaanka Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan  ayaa meel fagaaro ah ku gubay maandooriyaal badan oo dhawaan ay soo qabteen Ciidamada Booliska kuwaas oo loo waday magaalada Muqdisho waxaana laga keenay Wadanka Itoobiya.

Goobta lagu gubayey maandooriyaha waxaa ku sugaa Gudoomiyaha Maxkamada rayidka Gobolka Hiiraan Cabdi-raxiin Muxumed Taakoy Duqa Magaalada Baladweyne Nadar tabaax Maalin iyo Taliska Booliska Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Laba Xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay howlgal ay sameeyen kusoo qabteen Maandooriyaha iyo ninkii waday oo goobta lagu soo bandhigay.

Gudoomiyaha Maxkamada Rayidkaa Gobolka Hiiraan Cabdi-raxiin Muxumed Taakoy ayaa amaanay Ciidamada booliska ee gacanta kusoo dhigay qamriga waxaana uu tilmaamay in sharci adag la marsiin doono cidee lagu soo qabto arintan.

Duqa Magaalada Baladweyne Nadar tabaax Maalin ayaa ugu baaqday Ciidmaada amaanka in ay laba jibaaran howgalada lagula dagaalamayo maandoriyaha.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Baladweyne Korneel Isaaq Cali Cabdulle ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka fool jignaadan ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha, waxaana umahad ciliyey Ciidamadii iyo saraakiisha gacanta kusoo dhigay.