Ciidamada Danab oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Leego

63

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Leego oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada Danab ayaa si nabadoon kula wareegay deegaankaasi, kadib markii ay isaga firxadeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan ciidamada Xoogga dalka ay howl-gallo baaritaano ah ka wadaan gudaha deegaankaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey inay qabsadeen deegaanka Leego, iyaga oo shaaciyey inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda

Leego oo ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa sanado gacanta ku hayey maleeshiyada Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howl-gallada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.