Ciidamada Danab oo Burburiyay Fariisimo Al-shabab

52

Ciidanka  Xooga Dalka Soomaaliya qeybtooda Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay fuliyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose. iyo Shabeellaha Dhexe

Saraakiisha Ciidanka Danab ayaa tilmaamay in inta uu socday howlgalka lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana uu xubnahaas ku jiray Sarkaal la sheegay inuu Shabaab qaabilsanaa Maaliyadda Gobollada Shabeellooyinka.

Dhinaca kale Saraakiishan  sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman), uuna Al-shabaab u qaabilsnaa Maaliyadda ee Gobollada Shabeellaha Hoose. iyo Shabeellaha Dhexe

Sidoo kale Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen goobo Al-shabaab ay shacabka uga qaadi jirtay lacago.

Sarakiisha hogaamineysay ayaa sheegay Ciidanka  Danab  ayaa soo saaray miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah oo la geliyay waddooyin ku yaalla halka howlgalka laga fuliyay.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa horey howlgalo kala duwan oo ka dhan ah Al-shabaab uga sameeyay deegaano ka tirsan Gobolada dalka.