Ciidamada Danab oo Burburiyay Goobo ay Al-shabab Baad Ku qaadi jiren

53

Ciidamada Militariga gaar ahaan Ururka 4 aad ee guutada 16 aad ee kumandooska Danab ayaa bilaabay  hawlgalo lagu burburinayo farisimaha uruurka  Al-Shabaab  ku leeyihiin   degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Danab ayaa burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Alshabab gara ahaan  Degaanka Leego oo hoos taga Degmada Walawayn una jirta masaafo ahaan 50 km sida lagu  sheegay war ka soo baxay   Ciidanka dowlada.

goobta la burburiyay  ayaa Shabaab  waxa ay  ku qaadi jireen canshuuraha baada ah ee sida sharci darrada ah uga qaadan shacabka Gobolka Shabeeladda Hoose .

Ciidamada kumandooska  Danab ayaa markii ay tageen halkaas  waxa ay ka sameeyeen hawlgalo baaritaano,ah .

Maalmihii ugu dambeyey  Ciidaamada ayaa waxa ay bilaabeyn Howlgalo ay ka sameeynayaan Deeganada Maamulka Gobolka shabeeladda Hoose