Ciidamada DF Soomaaliya oo gudaha u galay deegaanka Mubaarak

159

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa goor dhaw gudaha u galay Degaanka Mubaarak ee gobolka Shabellada Hoose.

Ciidamada ayaa hada wadda Baaritaano iyagoona mid ka mid ah xafadaha mubaarak ku qabtay gaari Hoomey ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qaraxa

Sidoo kale Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Xaaladda ayaa haatan u kacsan, iyadoona ciidamadu ay isku ballaariyeen gudaha deegaankaaso oo muddo gacanta ku hayeen maleeshiyada Al-Shabaab