Ciidamada DF Soomaaliya oo xiray waddooyinka magaalada Muqdisho

18

Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Jidadka la xiray ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarrama, kuwa ku dhow garoonka Aadan Cadda iyo sidoo kale xarunra madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidanka ayaa gaadiidka ka celinaya isgoysyada qaar, iyaga ku amraya inay kala wareegaan, taas oo keentay in dadweynuhu ay maalaan cagahooda, si ay u gaaraan goobaha ay rabaan.

Sababta loo xiray waddooyinka caasimadda ayaa waxaa lagu sheegay imaashiyaha Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo maanta ku soo jeeda magaalada Muqdisho.