Ciidamada DFS iyo maleeshiyaadka Gen Xuud oo saakay ku dagaalamay Beledweyne

61

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad uu hoggaaminayay Gen Xuud uu saakay ka dhacay

Maleeshiyaadka Gen Xuud ayaa waxaa ay ka soo horjeedaan dhibaatada ka jirta gudaha Magaalada Beledweyne.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Gen Xuud ay gabi ahaanba ka baxeen gudaha magaalada, iyagoona dib ugu laabtay duleedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano hor leh saakay ka wada xaafadaha magaalada Beledweyne.