Ciidamada Dowlada oo burburiyay Goobo Al-shabab ay lacago Baad ah uga qaadi jiraan shacabka KGS

57

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa maanta  howl-gallo qorsheysan ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka Shabeeladda Hoose.

Howl-gallada ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyey deegaanka Ceel Maracadde oo ka tirsan gobolkaasi.

Mara-cadde waa deegaan u dhexeeya dhulka carro madowga ah iyo dhanka xeebta ee degmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose .

Sarakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay howl-galladaasi ayaa sheegtay in ciidamadu ay dileen ugu yaraan 17 ka tirsanaa ururka  Al-Shabaab.

Dhinaca kale sarakiishaan  ayaa tilmaamay  in howl-galladan lagu bur-buriyey goobo ay Al-Shabaab ku qaadi jireen lacago baad ah

Ururka Nabad diidka Al-shabab ayaa dadka deegaan waxa ay ka qaadan lacago Baad ah kuwaasi oo ay si qasab ah uga aruuriyaan qofkii diidana waa ay dilaan ama waa ay gubaan gawaarida

Howlgalkan ayaa waxaa soo dhaweeyay Bulshada ku nool deeganada laga xureyay Al-shabab