Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku Dagaalamay Buulo-burde

55

Wararka ka imaanaya magaalada Buula-barde gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaare geystay u dhaxeeyay ciidamda dowladda, AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii koox ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab xalay saqdii dhaxe ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ay ku leeyihiin degmada Buula-Barde.

Goobjoogayaal ayaa  sheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimaso iyo dhaawac.

Hal askari  oo ka tirsan tirsan Ciidanka Militirga ayaa dagaalka ku dhintay, Sida ay sheegeen Saraakiishii Xoogga.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay Dhame Axmed faarax Booniye oo ah abaanduulihii ciidamada dowladda ee la weeraray.