Ciidamada dowladda oo howlgal ku qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

63

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen Deegaano hoosyimaada Deegaanka Awdiinle ee Gobalka Baay

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in gacanta lagu dhigay  4-ruux oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen inay dhibaato ku hayeen dadka Shacabka ah

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ka dambeeyay kadib markii ay Ciidamada heleen xog ku saabsan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan degaano u dhow degaanka Awdiinle ee gobolka Baar.

Saraakiisha ayaa soo bandhigay afarta Ruux iyo hubkooda oo ay howlgalka kusoo qabteen, kuwaas oo la geeyay Saldhiga degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaaay weerar ku qaadeen degaanka Awdiiinle, waxaana sidoo kale jirta in mararka qaar Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur Galbeed inay fuliyan howlgallo looga hortagayo weeraradaas.