Ciidamada Haramcad oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada gobolka Galgaduud

24

Ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saaka howl-gallo ballaaran ka wada duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga wadaan deegaannada Ceel Garas iyo God-Dhurwaa oo hoostaga magaaladaasi.

Sidoo kale ujeedka howl-galladaasi ayaa ah sidii looga hortagi lahaa dhaq-dhaqaaqyo la sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka bilaabeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal cukus uu ka qarxo deegaanadaasi.