Ciidamada Itoobiya oo iska difaacay Weerar madaafiic ah oo lagu Soo qaaday Saldhig ku leeyihiin degmada Qansax-dheere G/Baay.

46

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan weerar madaafiic loo adeegsaday oo Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Ciidamada Itoobiye eek u sugan gobolka Baay ayaa iska difaacay kaidb markii Saldhiga Ciidamada ee ku leeyihiin  Qansax-dheere lagu weeraray in ka badan 7 Hoobiye, kuwaas oo jugtooda laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee degmada qansax-dheere ee gobolka Baay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya dhankooda iska cabin ay samyeen oo ay ka hortageen Wererkaasi Fuleynimada ah iyagoo  tiro madaafiic ah ugu jawaabeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro madaafiicda kasoo gaaray kuwiii Wererka soo qaaday .

Shacabka  ku nool degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi soo wajahday, kaddib hoobiyeyaasha ay degmadaasi isku weeydaar sadeen Al-Shabaab & Ciidamada Itoobiya, arrintaasi oo ah mid soo lab laabatay.

Maamulka degmada Qansaxdheere iyo laamaha Amniga degmadaasi  ayaa waxa ay tilmamaeyn in laga hortagay werer fuleynimo ah oo ay soo qaadeen Al-Shabaab kadib markii ay madaafiic ku weerareen Saldhigyada Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Baay.

Xaalada ayaa saakay ah mid deegaan waxana Howlgalo bilaabay Ciidamada Maamulka oo ku raad jooga kuwii weerarka Soo qaaday .