Ciidamada Kenya oo dad hor leh ka afduubtay gobolka Gedo + magacyada

69

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay markale dad hor leh ka wateen qeybo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dada deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in illaa afar ruux ay ciidamadu ka kaxeysteen deegaanka Daaru-Salaam oo hootsaga magaalada Ceelwaaq.

Afarta ruux ee ay afduubteen ciidamada Kenya ayaa watay mootooyin ay kala dageen, xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa deegaanada Daaru-Salaam iyo Kuntun.

“Ragga ay kaxxeysteen Ciidamada Kenya Afar qof oo mootooyin watay ayay ahaayeen,waxaa ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa daaru-salaam iyo Kuntun, mootooyinkii waa ay ka qaateen waana ay wateen.: ayuu yiri qof kamid ah dadka ku nool deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Illaa iyo hadda la ama oga halka ay la’aadeen ciidamadu raggaasi oo magacyadoodu ay kala yihiin Cabdifitaax Xasan Nuur, Cabdullaahi Cali Dhicis, Cabdifitaax Diiriye Qorane iyo Maxamed Ibraahim Afeey.

Ehellada afartaasi qof ayaa sidoo kale haatan baadi goob wada, si ay u helaan raggaasi oo ahaa dhammaan shacab.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dalka Kenya ay saddex ruux ka wateen duleedka Ceelwaaq, kuwaas oo ay markii dambe toogasho ku dileen, waxaana falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibad-baxyo ka dhacay magaalooyinka gobolka Gedo.