Ciidamada Kenya oo dad hor leh ka afduubtay gobolka Gedo

51

Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in markale saacadihii la soo dhaafay ciidamada Kenya ay dad shacab ah ka afduubteen duleedka degmada Ceelwaaq.

Dadka ay kaxeysteen ciidamada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay yihiin reer mii ku sugnaa agagaarka magaaladaasi.

Lama oga halka ay la aadeen ciidamada Kenya dadkaasi, iyadoona arrintan walaac hor leh ay ku abuurtay dadka deegaanka.

Dhinaca kale waxaa maanta gudaha degmada Ceelwaaq ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo Jubbaland, gaar ahaan guddiga ay u saartay dhacdadii degmadaasi.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay bartamaha magaalada ayaa sidoo kale ku qeylinayey erayo ka dhan ah ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo.

Muddooyinkii dambe xaaladda gobolka Gedo ayaa aheyd mid kacsan, kadib markii ay dhowaan dil iyo dhaawac dad shacab ah ugu geysteen qeybo ka mid ah gobolkaasi.