Ciidamada Kenya oo dad shacab ah ku laayey gobolka Gedo

77

Ciidamo ka tirsan Kenya ayaa saakay waxaa ay gudaha u galeen deegaano hor leh oo ka tirsan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa la werinayaa in maanta cabsi badan ay soo wajahday, iyagoona ka cabsi qaba in dhibaato ay kala kulamaan ciidamada kenya.

Talaabadan ayaa ka dambeeysay kadib markii shalay ciidamada kenya ay dadka shacab ah ku dileen deegaanka Yeedoow oo 25km dhinac waqooyi kaga beegen  Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, kadib howlgal ay halkaasi ka sameeyeen.

Khasaare Dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarkaas ay Ciidanka Kenya ku qaadeen dad shacab ah oo sida la sheegay ku sugnaa guri ay dagganaayeen, waxaana ay dileen hal qof oo shacab ah, halka ay dhaawaceen seddex kale, iyagoona dhamaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ay qaateen.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka.