Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhaq-dhaqaaqyo Milatari ka wada deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.
Dhaq-dhaqaaqyada ayaa ah kuwa dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya halkaasi.
U jeedka ayaa sidoo kale ah sidii maleeshiyada kooxda Al-Shabab looga saari lahaa deegaanada hoos yimaada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Muddooyinkii dmabe ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa howl-gallo ka waday gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya