Ciidamada Maamulka Gobolka SH/Hoose oo bur buriyay Xabsi Qarsoon oo Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bariire.

34

Ciidamada Maamulka Gobolka SH/Hoose oo bur buriyay Xabsi Qarsoon oo Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bariire.


Ciidamada Maamulka Gobolka shabeelada Hoose Oo kaashanaya Militariga Xoogga Dalka Dowlada federalka Soomaaliya ayaa howlgal lagu baacsanayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka fuliyey tuulooyin hoostaga Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose halkaasi oo ay ku dileen sagaal ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay Ciidaanka Maamulka shabeelada Hoose ee Maamulka KGS iyo Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen tuulada Nuunaay oo 15 km dhanka Galbeed kaga began Degaanka Bariire.

Dhinaca kale Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyay mid ka mid ah Xabsi qarsoon oo Al-Shabaab ku lahayeen tuulada Nuunaay, isagoo intaa ku daray inay ciidamada kusoo furteen dad shacab ah oo nabadiidka si afduub ah ugu heesteen xabsiga qarsoon.

Ciidamada Maamulka Gobolka shabeelada Hoose ee KGS ayaa howlgalka ku dillay horjogayaal iyo maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ciidanka burburiyay Mid ka mid ah xabsiyada Qarsoon ee ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin tuulada Nuunaay.

Sidoo kale Taliye Axmed ayaa tilmaamay in howlgalka lagu dilay Horjooge Al-shabaab u qaabisanaa Xabsiga qarsoon, kaasi oo lagu magacabo Abuu Cabdullahi Mustaf iyo labo horjooge kale oo goobta ku sugaa.
Howlgalkaan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay qorsho balaaran oo ciidanka dowlada federalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Maamulka Koonfur Galbed .

Ciidanka ayaa wado qorsho balan oo gobolka Shabeelada Hoose ay kaga xureynayaan Maleeshiyaadka Alshabab deeganada yar oo ay kaga sugan yihiin gobolka shabeelada Hoose.