Ciidamada Maamulka KGS oo Howlgalo ka wada deegaano Hoostaga degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay.

30

Ciidamada amaanka ee maamulka Koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxaa ay wadaan howlgalo kala duwan oo lagu sugayo amaanka degmada qansax dheer kadib markii shalay halkaasi uu ka dhacay Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere, ku-xigeenkiisa, xubno kale oo ka tirsan Maamulka iyo Askar Ilaalo u aheyd.

Gudoomiyaha Maamulka degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay Cabdirisaaq Cabdi Ibraahim Oo ka badbaaday qaraxaasi ayaa sheegay in ciidamada Maamulka ay wadaan howlagalo lagu sugayo amanaka guud ee degmada iyo deegaaanada hoos yimaada .

Gudoomiyaha Maamulka degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay Cabdirisaaq Cabdi Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in xaalada nabadgelyo ay tahay mid degan oo ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee degmada .

Ururka nabad diidka Al-shabaab warar ay ku qoreen barahood dhinaca internetka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxa lala eegtay Mas’uuliyiinta ugu sarreeysay degmadas, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.