Ciidamada militariga Dowlada Oo Howlgal Qorsheysan Ka Fuliyey Sh/Hoose

31

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan howlgalo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ku burburiyey fariisimo ururka nabad diidka  Al-Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Sh/Hhoose, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga dowlada .

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Howlgalkan uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Leego oo qiyaastii 44 KM kaga beegan dhanka waqooyi ee degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeeladda Hoose .

Sida laga soo xigtay Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay halkaasi ku burburiyeen goobo fariisimo u ahaa ururka Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale  saraakiisha CXD ayaa tilmaameyn inay gacanta ku soo dhigeen Mootooyin ay ku sheegeen inay fulin jireen qaraxyada miinooyinka Kooxda Alshabab .

Howlgalkan  ayaa waxaa hor-kacayey ururka afaraad ee guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab iyo ururka 64-aad ee guutada todobaad qeybta lixdanaad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.